Madaxweyne Xasan Shiikh oo loo doortay guddoomiyaha iyo musharraxa urur siyaasadeed la baxay Caddaaladda iyo Wadajirka

Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay shirweynihii ugu horreeyay ee urur siyaasadeed loo bixiyay Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaasi oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah hoggaamiyaasha dowlad-goboleedyada koonfurta dalka.

Guddoomiyaha ahna musharraxa urur siyaasadeedkan ayaa loo doortay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana ku xigeenno loo doortay Ra’iisul wasaare Xamse, madaxweyne Lafta Gareen, guddoomiyaha ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Sacdiya Salaad iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka kowaad Saalax Jaamac, halka xoghayaha guud ee ururkan loo doortay Cabdiraxmaan Odowaa.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii xalay looga dhawaaqay urur siyaasadeedkiisa JSP ayaa sheegay in ay dalka ka hirgelinayaan doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana raadinayaan codka shacabka, waxaana uu dhaliilo adag u jeediyay siyaasiyiinta ka ra’yi duwan dowladdiis oo uu ku tilmaamay kuwa sanduuqooda siyaasadeed eber yahay.

PUNTLAND POST