Madaxweynaha Puntland oo maanta shir deg deg ah kula ballansan dhammaan ganacsatada Boosaaso

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Boosaaso ayaa maanta shir deg deg ah oo albaabadu u xiran yihiin kula ballansan dhammaan ganacsatada magaalada.

Madaxtooyada Puntland oo farriin qoraal ah la wadaagtay ganacsatada Boosaaso ayaa ku wargelisay shirkan deg dega ah oo madaxweyne Siciid Deni kula qaadanayo xarunta jaamacadda City Cot, kaasi oo looga hadlayo xaaladda dhaqaale xumo ee ka taagan Puntland.

Ganacsatada Boosaaso ee ku casuman kulanka lama siin warbixin ku saabsan ajandaha shirkaasi oo faahfaahsan, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu ganacsatada kala hadlayo hal u raadinta suuq la’aanta ganacsiga iyo dhaqaale xumada soo wajahday Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale ganacsatada Boosaaso warbixin ka siiyo halka uu marayo dhammaystirka hawlgalka Calmiskaad ee ka dhanka ah mileeshiyaadka ISIS kana codsado in ay kordhiyaan garab istaagga maaliyadeed ee hawlgalkaasi.

PUNTLAND POST