
Muqdisho (Faallo PP) — Sanadkii 2015 ka hor dhammaadkii muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh waxay dowladdii federaalku samaysay hab Doorasho Dadban oo Kobocsan (enhanced indirect election). Ujeeddadu waxay ahayd in loo ekeysiiyo doorasho leh sharciyad la mid ah tan doorasho qof iyo cod. Madaxweyne Xasan Sheekh kuma guuleysanin inuu doorasho noocaas ah hirgeliyo. Puntland waxay ku dooday in 2016 in Doorasho Qof iyo Cod loo baahan yahay. Cadaadis siyaasadeed kaddib Puntland waxay oggolaatay doorasho dadban.
5 bilood ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku darsaday muddo xileedkiisa. Waxay ahayd 5 bilood oo dowladdu ka badbaadday isqabqabsigii hareeyey dowladii Madaxweyne Farmaajo markuu labo sano ku darsaday muddo xileedkiisa. 14 bilood oo muran siyaasadeed uu socday ayuu Madaxweyne Farmaajo xilka sii hayay markii uu muddo xileedkiisii dhammaaday 17/2/2021.

Sanad baa ka haray muddo xileedka dowladda Xasan Sheekh oo hadda isku dayaysa inay qabato Doorasho Qof iyo Cod aan la isku raacsanayn oo xisbiyo ku salaysan. Taliska Damuljadiid wax badan ayuu ka bartay muddo xileedkii kowaad iyo muddo-xileedkii Madaxweyne Farmaajo. Ujeeddada ugu weyn ee dowladda xilka haysa waa inay hesho ugu yaraan hal sano oo muddo kordhin ah oo ka dhalanaysa ka maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland ka maqan yihiin Madasha Wadatashiga Qaranka. Waddada kale oo muddo kordhinta loo marayo waa Xisbiga Cadaallada iyo Wadajir oo shalay Muqdisho laga daahfuray.
Damuljadiid waa koox isku soo cusbooneysiinaysa awoodda maamullada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Soomaaliya doorasho dadban ayay ku noqonaysaa. Labada arrimmood hor yaalla Jubaland iyo Puntland waa (1) Dastuurka oo wax laga beddelay (Jubaland way oggoshay laakiin Puntland baa diiddan) iyo (2) metelaadda xildhibaannada iyo senatarrada labada aqal ku metela Somaliland (Puntland way diiddan tahay in Somaliland oo dal inay tahay sheeganaysa ay metelaad ku soo yeelato labada aqal, laakiin Jubaland ilaa hadda dood kama qabto in Somaliland ku sii lahaato Muqdisho metelaad federaal. Kala duwanaanshaha aragtiyeed ee Jubaland iyo Puntland waa u faa’iido dowladda muddo xileedkeedu dhammaan doono 15/5/2026.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.