Ciidamada Puntland oo sheegay in ay hawlgal cir iyo dhul ah ku qaadeen firxadka argagixisada Daacish

Taliska ciidamada difaaca Puntland oo bayaan kooban soo saaray ayaa shaaciyay in ay maanta weerar cir iyo dhul ah ku qaadeen firxadka mileeshiyaadka Daacish ee ku dhuumanaya buuraha Calmiskaad.

Bayaankan oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Taliska ciidamada difaaca Puntland gaar ahaanna hawlgalka Calmiskaad ayuu xafiiskaasi ku sheegay in maanta ciidamadu hawlgal cir iyo dhul ah ku qaadeen firxadkii argagixisada ee ku dhuumanayay nawaaxiga degaanka Guryo-samo ee togga Miraale.

“Ciidanku waxay maanta ku jiraan hawlgal Cirka iyo Dhulka ah oo firxadka Argagixisada Daacish, looga sifeynayo deegaano u dhow Gurysamo oo ka tirsan Calmiskaad” ayaa lagu sheegay Bayaanka oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Taliska ciidamada difaaca Puntland.

Hawlgalkan ayaa imaanaya maalmo kaddib markii dowladda Puntland keensatay diyaarado dagaal oo ay sheegtay in ay qaabilsan yihiin fulinta hawlgallada deg dega ah iyo duqeymaha cirka ee lagu beegsanayo firxadka ka harsan kooxaha argagixisada ah ee Daacish.

PUNTLAND POST