
Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, oo kaashnaya Qaybta Baarista Dembiyada (CID)ee Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay EEDAYSANE Sharmaake Xuseen Yuusuf, oo ah 31 jir, kuna dhashay kuna nool magaalada Garoowe, laguna eedeeyay inuu kufsi u geystay labo gabdhood oo danyar ah.
Falka kufsiga ayaa dhacay habeenkii 11-ka May 2025, abaare 4:00 habeenimo, agagaarka xaafadda Booray ee magaalada Garoowe. Labada gabdhood ee dhibbanayaasha ah ayaa laga helay bannaanka xaafaddaas iyadoo lagu xadgudbay, waxaana markiiba bilaabmay baaritaanno ay fuliyeen Qeybta Baarista Dembiyadda ee CID-da Gobolka Nugaal.
EEDAYSANE Sharmaake Xuseen Yuusuf, ina Ubax Cismaan Jaaji, ayaa lagu qabtay howlgal qorshaysan oo ka dhacay agagaarka dawladda hoose ee Garoowe, isagoo la socday gaarigii lagu tuhunsanaa in falku lagu fuliyay. Waxaa sidoo kale la qabtay labo gaari oo la tuhunsan yahay inuu qayb ka ahaa falkaas isla markaasna uu adeegsaday.
EEDAYSANE Sharmaake ayaa haatan lagu hayo saldhigga Galbeed ee magaalada Garoowe, halkaas oo baaritaanno dheeraad ah ay ka socdaan si loo helo dhammaan xogaha sharciga u baahan.
Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareyneysaa falalka arxan darrada ah ee lagu beegsado carruurta iyo dadka nugul, waxayna caddeyneysaa in eedaysanayaashu ay wajihi doonaan caddaalada iyadoo loo marayo nidaamka garsoorka ee dalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.