
Dowladda Mareykanka oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ay 11 bishan May oo ku beegan maalin ka hor duqeymo is xigay ka fulisay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwaasi oo ay ku beegsatay mileeshiyaad ka tirsan argagixisada ISIS.
Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayay ku sheegeen in ay duqeymo is xigay ku beegsadeen mileeshiyaadka ISIS ee ku dhuumanaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.
Warsaxaafadeedka Taliska AFRICOM waxay ku sheegeen in duqeyntaasi laga fuliyay meel qiyaastii 60km dhinaca Koonfurta ka xigta degmada Qandala ee gobolka Bari, halka taliska ciidamada difaaca Puntland uu sheegay in duqeyntaasi ka dhacday Shilin-cas oo ka tirsan togga Miraale ee buuraha Calmisaad.
Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad oo bayaan ka soo saaray duqeyntaasi ayaa xaqiijiyay in laga fuliyay degaanka Shilin-cas oo kamid ah togga Miraale, halkaasi oo lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan firxadka ISIS, kuwaasi oo Puntland soo bandhigtay meydadkoodka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.