Baarlamaanka Puntland oo mushaar kordhin ku darsaday Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan 2025

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan 2025 ku darsaday mushaar kordhin ay samaysteen.

Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, waxay si rasmi ah u kordhisteen mushaharkooda oo markii hore ahaa $2,500 bishii, halka haatan ay ku darsadeen lacag dhan $1000, taasi oo mushaarka xildhibaannada ka dhigaysa $3,500 oo Dollar, sida ku cad shaxda mushaaraadka ee Miisaaniyadda 2025.

Xildhibaanadii hore ee Puntland ( 2019-2023) ayaa muda sannad ah ( 2024) qaadanayay lacag dhan kun dollar, lacagtaas ayaa sannadkan loogu daray Baarlamaanka joogga, si looga baajiyo mooshin mushahar kordhis ah oo ay dhawaanahan riixayeen.

Dhinaca kale, xildhibaannada qaarkood bilaabeen in ay guryo ka iibsadaan magaalada Nairobi, qaarkoodna caruurtooda ay qurbaha u rareen, taasi oo su’aal gelinaysa, sida ay uga warqabaan duruufaha shacabka ay matalaan oo xaalad dhaqaale xumo ku sugan.

PUNTLAND POST