
Shir ku saabsan horumarinta iyo maalgelinta ilaha wax-soosaarka dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga furmay wasaaradda Maaliyadda XFS iyo hay’adda Lacagta adduunka ee IMF.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayay ku sheegtay in uu Nairobi ka furmay Shir ku saabsan horumarinta iyo maalgelinta ilaha wax-soosaarka dhaqaalaha ee Soomaaliya, kaasi oo u dhexeeya wasaaradda Maaliyadda XFS iyo hay’adda Lacagta adduunka ee IMF.
“Waxaa magaalada Nairobi ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya hey’adaha Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgalin ku saabsan horumarinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya.”
“Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa intiisa badan waxaa lagu gorfayn doonaa, wixii u qabsoomay dowladda Soomaaliya tan iyo markii lagu dhawaaqay deyn cafintii, sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale” siday sheegtay wasaaradda Maaliyadda XFS.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.