Puntland oo lagu dhaliilay in ay ka gaabisay nabadeynta iyo horumarinta gobolka Mudug

Qaar kamid ah nabadoonada gobolka Mudug ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyey in ay ka gaabisay waxka qabashada shaqooyinkii nabadaynta iyo horumarinta gobolka ee looga baahnaa.

Nabadoon Maxamed Adan Buraale, oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ee ku hawlanaa arrimaha nabadaynta ayaa sheegay inay wadaan dedaalo xooggan haseyeeshee ay tebayaan shaqooyin dowladda looga baahnaa.

“Shacabka reer Mudug oo dhan waxaa looga fadhiyaa in nabadda laga wada shaqeeyo laysuna dabro, dhankii dowladda iyo shicibka wada shaqayntoodu waa liidataa dowladda haddii ciidankeedu dad laayaan waa inay soo farageliso, meelo badan oo gobolka Mudug oo wax ka dheceen dowladdu doorkeedii saxda ahaa kama qaadan”, ayuu yiri Nabadoon Maxamed Adan Buraale.

“Gobolka Mudug xafiiskii madaxweynaha iyo wasiiradu kama shaqeeyaan, maamulka gobolka iyo degmadu wax weyn ma qaban karaan, inkastoo dowladdu dagaal kujirto haddana waxaa lagama maarmaan inay gobolka arrintiisa il gaar ah ku eegto”.

PUNTLAND POST