
Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay Lugta Shilin-cas ee togga Miraale ayaa guud ahaan la wareegay saldhigyo ay kooxda argagixisada Daacish ku lahayd aaggaasi.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF ee Puntland ayay ku sheegeen in ay maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyeen Lugta Mirin-xad iyo Shilim-cas ee togga Miiraale, halkaasi oo ay saaxiibbada caalamku dhowaan ku duqeeyeen.
“Ciidanka difaaca Puntland oo hawlgallo qorsheysan ka sameeyey Lugta Mirin-xad iyo Shilim-cas ee togga Miiraale, ayaa la wareegay saldhigyo ay kooxda Daacish ku lahayd goobahaasi, kuwaasi oo ay saaxiibbada caalamku dhowaan ku duqeeyeen.”
“In ka badan 10-dhimasho ah iyo khasaaro agabyo kala duwan ah ayaa kasoo gaarey kooxdaasi nafla caariga ah ee Daacish duqayntaasi” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxayTaliska Ciidanka PMPF ee Puntland oo hawlgalkaasi fuliyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.