Madaxweyne ku xigeen Ilyaas Lugatoor oo warbixin amni ka dhegeystay Saraakiisha Booliska Puntland

Madaxweyne Ku xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska, Dhismaha Xarunta cusub ee Booliiska Puntland iyo Dhismaha Saldhiga dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa Taliska Guud kusoo dhoweeyey Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliiska Gen. Caydiid Axmed Nuur, Taliye Ku-xigeenka 2-aad Gen. Cismaan Maxamuud Cige iyo Saraakiisha Taliska, isaga oo ka dhegaystay warbixin ku aadan shaqada Ciidanku u hayo bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka ayaa kormeeray Dhismaha Taliska cusub ee Ciidanka Booliiska oo meel wanaagsan maraya. Kormeerka ayaa u jeedkiisu yahay dardargelinta shaqooyinka socda ee adeega Dowladnimo ee loo hayo bulshada Puntland.

Kormeerka waxaa  Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyey Wasiirka Degaanka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

PUNTLAND POST