
Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland oo shir ku saabsan Amniga ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay shirkaas uga hadleen dhawr qodob oo lagu xoojinayo Nabadda Gobolka.
Qoraal ka soo baxay Shirka Guddiga Amniga Gobolka Mudug ayay ku sheegeen in ay Shirkooda uga hadleen qodoba ay kamid yihiin Xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, Sugidda amniga guud ee gobolka, Dadaallada lagu xoojinayo nabadaynta beelihii horey u diriray, Joojinta rarista bir-qalaxda iyo waxyaabaha la midka ah.
“Intii uu socday shirku ayaa waxaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amni ee gobolka iyo qorsheyaasha wadajirka ah ee lagula tacaalayo falalka amni-darro. Waxaa kaloo la is dhaafsaday fikrado la xiriira xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.
Shirka Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ugu danbayn kusoo dhammaaday jawi is afgarad ah, iyadoo la isku raacay in si dhab ah looga shaqeeyo sugidda amniga lana dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo daganaansho iyo wada noolaansho buuxda oo bulshada gobolku helaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.