Puntland: Xukmane ku eedaysan argagixiso oo horay xabsi uga baxsaday oo dib loo qabtay

Taliska Booliska qaybta gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku guulaystey inay gacanta ku dhigaan xukume Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor)

Qabashada xukumanaha ayaa waxaa gacan wayn ka gaystay ciidamada Macawisleyda iyo dadka shacabka ah ee deeggaanada Wisil iyo Bacaadwayne.

Xukumanaha ayaa ka tirsanaa shabakad dad badan ku dishay gobolka Mudug, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo iyada oo horey garsoorka dowladda Puntland ay dil toogasho ku xukuntay, balse uu ka baxsadey gacanta dowlada.

Taliska qaybta Mudug iyo guud ahaanba laamaha ammaanka dowladda Puntland oo baadi goobayay xukumanahan isla markaana madaxiisa lacag dul saartey ayaa lagu qabtey deegaanka Bacaadwayne ee gobolka Mudug, Galmudug.

Xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee gobolka Mudug.

PUNTLAND POST