Doon raashin sidday oo xalay ku gubatay dekedda magaalada Boosaaso

Doon u rarnayd ganacsato reer Puntland ayaa xalay ku gubatay dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaddib markii uu dab qabsaday, sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Doonta gubatay oo lagu magacaabo Faa’isa Suldaan ayaa ka timid dalka Hindiya, waxaana la sheegay in ay raashin u sidday dekedda Boosaaso, halkaasi oo ay ku gubatay ka hor inta aysan dejin raashinkii, siday xaqiijiyeen xubno kamid ah ganacsatadii ay u rarnayd doontaasi.

Inta badan badeecaddii raashinka ahayd ee saarnayd doonta oo u rarnayd shirkad lagu magacaabo JAABO ayaa la sheegayaa in la badbaadiyay qaarkeed, waxaana weli socda deminta dabkii xalay qabsaday doonta oo lala tacaalayo, kaasi oo lagu guulaystay in uusan sii fidin.

PUNTLAND POST