
Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa xaqiijisay in nibiri weyn uu ka soo caaryey xeebta Wareegsan oo ka tirsan degmada Bareeda ee gobolka Raas Casayr (Bari).
Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayay ku xaqiijisay warkan, waxaana ay sheegtay in ay bilaabi doonto baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdadaas, si loo helo xog sugan gacan ka geysan karta fahamka isbeddellada degaanka iyo saameynta ay ku leeyihiin noolaha dabiiciga ah.
“Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland waxay xaqiijineysaa in nibiri weyn uu ku soo caaryey xeebta Wareegsame ee degmada Bareeda, Iyadoo la tixraacayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta noolaha badda iyo deegaanka guud ahaan, Wasaaraddu waxay bilaabeysaa baaritaan rasmi ah si loo ogaado sababaha keenay in nibirigan uu ku soo caaryo xeebta.”
“Baaritaankan ayaa diiradda saari doona in la xaqiijiyo haddii ay jiraan arrimo la xiriira isbeddelka cimilada, xaaladda biyaha badda, ama xanuunada ku dhacaya xayawaanada bada. Kooxo khubaro ah oo ka tirsan Wasaaradda ayaa sameynaya qiimeyn iyo xog-ururin horudhac ah. Ujeeddadu waa in si cilmi ah loo baaro dhacdadan si loo helo xog sugan oo gacan ka geysan karta fahamka isbeddellada deegaanka iyo saameynta ay ku leeyihiin noolaha dabiiciga ah” ayay wasaaraddu sheegtay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.