Ciidanka Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dil caawa ka dhacay magaalada Garoowe

Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa xaqiijiyay in ay ku guulaysteen qabashada eedaysane loo haysto dil caawa ka dhacay magaalada Garoowe.

“Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyey in laamaha amniga ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysane loo haysto fal dil ah oo ka dhacay magaalada Garoowe” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Booliska.

Eedaysane Abuukar Axmed Diiriye oo loo haysto dilka marxuum Cabdisalaam Maxamed Cumar ayay ciidanka Booliska gacanta ku dhigeen, waxaana sida Booliska sheegay falkaasi ka dhacay jidka Soddonka gaar ahaan nawaaxiga shirkadda NECSOM saacaddu markay ahayd 7:45 fiidnimo.

“Falkaasi ayaa dhacay caawa oo ay taariikhdu tahay 09 May 2025, saacadda markay ahayd 07:45 habeenimo, waxaana uu ka dhacay jidka Sodonka, agagaarka shirkadda NEC ee magaalada Garoowe. Eedaysaha falka dilka ah loo haysto ayaa ay ciidamada ammaanku ku qabteen howlgal degdeg ah, waxaana uu haatan ku xiran yahay saldhigga Booliska” ayuu sio raaciyay Warsaxaafadeedka.

Baaritaanka kiiskan waxaa si toos ah gacanta ugu haya Ciidanka Baarista Dembiyada (CID) ee Gobolka Nugaal, kuwaas oo wada baaritaanno qoto dheer si loo xaqiijiyo faahfaahinta dhacdada iyo cid kasta oo suurtagal ah in ay arrintan la xiriirto, waxaana la filayaa in Warbixin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka la shaaciyo marka baaristu dhammaato.

PUNTLAND POST