Booliska Gobolka Nugaal oo faahfaahin ka bixiyay hawlgal amni oo ka bilowday Garoowe

Guddiga Amniga Gobolka Nugaal oo go’aanno soo saaray ayaa go’aamiyay in aan caasimadda Garoowe lagu dhex qaadan karin wax hub ah islamarkaana lala shaqeeyo Ciidanka Booliska oo hawlgal amni ka bilaabay magaalada.

Sidoo kale, Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile oo ka hadlay fulinta go’aannadii ka soo baxay Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa sheegay in uu bilowday hawlgal lagu xaqiijinayo Sugidda Ammniga Caasimadda Garoowe.

“Qoryahakan magaalada Iska walhanaya, wixii khamri cabbaya iyo wixii si xun u fekeraya in dhammaan la qabqabto waa shaqadii awal aan lahayn, guddiga nabadgelyada gobolka ayaana shiray si amniga magaalada loo adkeeyo, waxaana fulinaynaa qodobadii ka soo baxay Shirkaasi.”

Haddii shaqo la qabanayo waxyaalaa iska dhacdhacaya oo meel aysan shaqo ka socon ayaan waxba ka dhicin, sidaas daraadeed waxaan ugu baaqayaa shacab weynaha gobolka Nugaal hawlgalku waa joogto, waa inaad ciidanka si habsami ah ula shaqaysaan” ayuu yiri Gaashaanle dhexe Fardafuul.

Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale ugu baaqay Mas’uuliyiinta dowladda iyo taliyaasha rugaha in ay ilaaliyaan ciidankooda ooo aysan u ogolaan in ay hubka ula soo baxaan magaalada xilliyada aysan ku jirin shaqooyinka laysla ogyahay, isagoo intaas ku daray in ay qabanayaan sharcigana marin doonaan ciddii ka dhega adaygta awaamiirtaasi.

PUNTLAND POST