
Garoowe (Faallo) — Shalay Guddoomiyha Golaha Guurtida ee maamulka goosashodoonka ah la magaxbaxay Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan wuxuu sheegay in dowladda federaalka aan laga maarmin iyo in maamulka Sool, Sanaag, Cayn iyo Khaatumo uu ka mid noqday maamullada ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Saleebaan wuxuu dul istaagay saameynta ay dowladda federaalku leedahay, waana saameyn uu maamulka Puntland yaraysto. Dhowr tallaabo oo dowladda federaalka Soomaaliya qaadday ayaa si ba’an u saameeyay Hargeysa: xannibaadda lagu soo rogay ergada dibloomisiyiinta ee Taiwan oo aan raaci karin diyaarad u soo socota Soomaaliya; ganacsade gaar ah oo loo xilsaaray dhoofinta xoolaha.
Muddo 13 sano ah dowladda federaalka Soomaaliya saameyn weyn ayay ku leedahay sida ay Puntland u dhisan tahay. Sanadkii 2012kii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dooday in maamulkii kowaad ee Khaatumo uu metelaad federaal yeesho. Shir ka dhacay Nayroobi Juunyo 2012kii ayaa xildhibaannadii siddeeda ahaa loo kala qeybiyay sidan: 5 Khaatumo soo xusho; seddex ay Puntland soo xusho. Habkaas wuxuu meesha ka baxay 2016kii, markuu uu Madaxweynihii Puntland Cabdiweli Gaas uu shuruudaha uu ku aqbalayo hab doorasho dadban ay Puntladn ka qeybgasho ay ka mid noqoto in Puntland soo wada magacawdo xildhibaanndda si waafaqsan Cahdigii Puntland lagu dhisay 1998kii. Meeshaas waxaa ka baxay metelaaddii heer federaal ee Khaatumo lahayd. Sanadkii 2016kii dhulka maamulka SSCK badankiis wuxuu ku jiray gacanta goosasho-doonka; ma jirin siyaasad dadka SSCK ku mideysnaayeen. Ma dhicin dagaal saameyn weyn oo siyaasadeed Geeska Afrika ku yeeshay, dagaalkii Goojacadde ee 2023kii. Sanadkii 2022kii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu adeegsaday xeerkii Deegaan Doorasho uu Gaas dejiyay 2016kii. Deni xildhibbaannada isaga ayaa soo xushay si uu ugu tartamo doorashadii dhacday 2022kii.
Sanadkan 2025kii dowladda federaalka Soomaaliya waxay u aqoonsataay SSCK maamul xubin federaal oo ka taliya dhulkiisa. Puntland hore ayay u aqoonsatay maamulka SSCK , hase ahaatee Deni dhowaan wuu dhibsaday aqoonsiga SSCK heshay. Odayaasha SSCK waxay 2023kii keeneen xal Puntland ka badbaadiyay colaad kaddi markii ay ku taliyeen in habkii 66ka xildhibaan lagu noqdo maadaama habka doorasho qof iyo cod aan la isku raacsanayn Puntland.
Maxaa sababay in maamulka goosasho-doonka xildhibaannada metela ay Muqdihso kaga awood-bataan maamulka Puntland oo ah maamul loo asaasay ilaalinta midnimada Soomaaliya? Puntland weli ma helin hoggaamiye si wanaagsan ugu adeega dadka Puntland. Awoodda siyaasadda, maaliyadda iyo sharcidejinta oo ku wada jirta gacanta madaxweynaha talada muddo xileed kasta Puntland haya ayaa keentay in Puntland siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan hoos u dhac weyn uu ku yimid. Iyada oo ka kooban lix gobol ayay la wood noqotay Galmudug.
Cahdigii Puntland lagu asaasay 1998kii wuu burburay. Puntland ma soo saarin hoggaamiyayaal xaqa dadka Puntland ku leeyihiin dowladda federaalka u soo dhiciya. Shalay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor wuxuu dadka ku boorriyay inay isku tashadaan maadaama Puntland aysan heli doonin deeqihii ay heli jirtay. Waa talo la mid ah taladii uu Wasiirka Arrimmaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) uu soo jeediyay dadka Puntland sanadkii hore: dhaqaale xumo baahsan ayaa soo socota, guntiga giijista!
Lacagaha Puntland uga soo xerooda maraakiibta kalluumeysiga ee shirkadaha shisheeyuhu leeyihiin waxay ku dhacaan jeebabka dhowr qof; Puntland ma laha hantidhowr madaxbannaan’ waa sabab ka mid ah sababaha Puntland ula gorgortami la’dahay dowladda federaalka Soomaaliya oo xubin ka ah Guddiga Maamulka Maaliyadda (Financial Governance Committee). Puntland sida maamulka goosashodoonka uma qareemin hab si gaar ah deeqaha loogu siinayo. Waxay ku qanacday in dowladda federaalka Soomaaliya noqoto meesha deeqaha la soo mariyo, waa mowqif qiraya in dalku leeyahay dowlad la aqoonsan yahay oo ay la macaamilaan deeq-bixiyayaashu.
Maanta Puntland waxay bannaanka ka taagan tahay dowlad-dhisidda Soomaaliya oo ay maal iyo waqti Punland u hurtay. Madaxweyne Deni marnaba ma sheegin sababta Puntland u heli weysay deeqihii kala duwanaa ay xaqa u lahayd. Ka bixitaanka Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu u ekeysiiyay Puntland maamul ka baxay heshiisyadii uu galay.
Kaalinta mucaaradka Puntland wuu ka gaabinayaa sidii la filayay inkastoo dhowaan Madasha Siyaasadda ee Puntland ay soo jeedisay in shir dib loogu yagleelayo Puntland la iskugu yimaado maadaama SSCK noqotay maamul madaxbannaan. Axmed Ciise Cawad, Wasiirkii hore ee Arrimmaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu maanta sheegay in Somaliland ka maqan tahay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ka socda Muqdisho. Goorma ayuu maamulka goosasho-doonka ahi ka qeybgalay shir la mid ah shirka hadda ka socda Muqdisho? Maamulkaas metelaad siyaasadeed wuu ku leeyahay hay’adaha federaalka. Waxaa shirka maanta u fadhiyay Saalax Jaamac, Ra’iisal Wasaaraha Ku Xigeenka Soomaaliya.
Labaatan sano ka hor, Puntland waxay ahayd horseedka dowlad dhisidda Soomaaliya iyo ilaaliyaha midnimada Soomaaliya. Is martiyeyn siyaasadeed baa dhigtay Puntland meesha ay maanta taallo. Waa in siyaasiyiinta Puntland si dhab ah isula xisaabtamaan si loo helo xaqa siyaasadeed iyo dhaqaale ka maqan dadka Puntland. Puntland inta aysan abaabulin waxa Madaxweyne Deni ku tilmaamay shir lagu badbaadinayo Soomaaliya, waa inay si dhab ah u wada tashato si loo helo awood siyaasadeed oo lagala xisaabtami karo go’aammada siyaasadeed oo sida xun u saameeya dadka Puntland.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.