
Taliska ciidamada difaaca Puntland oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay wararka ku saabsan in markii u horraysay Puntland soo iibsatay diyaarado qaabilsan fulinta duqeymaha cirka.
Saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa xaqiijiyay in dowladdu soo iibsatay diyaarado dagaal oo casri ah, kuwaasi oo qaabilsan fulinta duqeymaha cirka, islamarkaana qeyb ka noqon doona hawlgalka burburinta kooxaha argagixisada ah ee Calmiskaad iyo Calmadow
Saraakiisha ciidamada Puntland, waxay sheegeen in afar diyaaradood oo nooca dagaalka ah dowladdu ka soo iibsatay dal aan la magacaabin, kuwaasi oo laba kamid ah la keenay magaalada Boosaaso, si ay qeyb uga noqdaan dhammaystirka hawlgalka Calmiskaad iyo bilowga hawlgalka xiga ee buuraha Calmadow.
Mareykanka iyo Imaaraatiga Carbeed oo si weyn u garab istaagay dagaalka Puntland ku qaaday kooxaha argagixisada ah ayaan la ogayn doorka ay ku lee yihiin diyaaradaha dagaalka ee Puntland soo iibsatay, oo aan faahfaahin badan laga helin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.