
Magaalada Muqdisho waxaa galinkii dambe ee maanta shir uga furmay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.
Shirkan oo qeyb ka ah gogoshii uu fidiyay Madaxwayne Xasan Sheekh waxaa ka soo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac, madaxda Dowlad-goboleedyada; Koonfur-galbeed Cabdacasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-cali iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Amiir.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia, shirkan waxaa looga arrinsanaya xaaladda dalka, dagaalka argagixisada, dhammaystirka dastuurka & hannaanka dimuqraadiyada, dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta dowladnimada.
Shirka waxaa ka maqan madaxda Puntland iyo Jubaland. Puntland ayaa horay u sheegtay in aysan ka qaybgalayn shirka, halka Jubaland aan lagu casumin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.