Puntland oo sheegtay in ay Garoowe soo galinayso ciidamo hub ka dhigis ku sameeya guud ahaan magaalada

Dowladda Puntland oo go’aanno ka soo saartay amniga Garoowe ayaa sheegtay in ay ciidamo soo galinayso caasimadda, si ay hub ka dhigis ugu sameeyaan guud ahaan magaalada.

Guddiga amniga gobolka Nugaal oo maanta shir ku yeeshay Garoowe ayaa shaaciyay in ay ciidamo soo galinayaan Garoowe, si loo dardar geliyo sugidda ammaanka oo siday sheegeen habacsanaan ka jirto dhawaanahan, kaddib markii todobaadkan laba nin lagu dilay bartamaha magaalada.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal G/sare, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax oo warbaahinta la wadaagay go’aannada ka soo baxay dardar gelinta ammaanka Garoowe ayaa sheegay in hawlgalkaasi lagu beegsan doono dhammaan cid kasta oo hub ku dhex sidata magaalada, gaar ahaanna kooxaha hubaysan ee ka ganacsada maandooriyaha Khamriga iyo Xashiishka.

“Ciidan baa magaalada soo gali doona amniga xaqiijinaya oo hubka dhigis ku samaynaya dhammaan cid kasta oo hub ku dhex sidata caasimadda, gaar ahaanna kuwa Khamriga iyo Xashiishka caadaystay ee waayadan danbe dib madaxa u soo qaaday” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax.

Sidoo kale, wuxuu faahfaahin ka bixiyay dilkii todobaadkan Garoowe ka dhacay, waxaana uu sheegay in baaritaan kaddib si rasmi ah loo aqoonsaday gacan-ku-dhiiglayaashii dilka fuliyay, islamarkaana xabsiga la dhigay oo dhawaan sharciga loo gudbin doono.

PUNTLAND POST