
Ciidamo ka tirsan Puntland oo sheegay in ay mushaar la’aan ka gadoodsan yihiin ayaa ka soo baxay degaanka Af-Urur oo dhaca silsiladda buuraha Golis, gaar ahaanna Calmadow.
Qaar kamid ah ciidamadii ku sugnaa difaaca degaanka Af-Urur ee gobolka Bari ayaa soo banneeyay halkaasi, waxaana ay sheegeen in ay ka cabanayaan mushaar kaga maqan dowladda Puntland, islamarkaana ay dalbanayaan in si deg deg ah loogu fasaxo mushaarka iyo xuquuqda Ciidan ee ka maqan.
Saraakiil hoggaaminaysa ciidankaasi gadoodsan oo cod soo duubay ayaa sheegay in aysan wax mushaar iyo xuquuq ah qaadan mudda dhawr bilood ah, taasina sababtay in ay ka soo baxaan difaacii hore ee degaanka Af-Urur ee buuraha Calmadow.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.