
Muqdisho (Faallo ) — Sanadkii 1969kii ka hor intaysan ciidammadu afgambinin dowladdii rayidka, waxaa Soomaaliya ka dhacday doorasho. Doorashadaas waxaa lagu maamulayay hab uu xisbigii SYL dejiyay. Gobollada Hartiga Waqooyi dego waxaa maamulayay Yaasiin Nuur Xasan Bidde (oo ahaa Wasiirkii Arrimmaha Gudaha) iyo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake. Waxay labadooduba kula heshiiyeen Ra’iisal Wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal inuu maamusho gobollada beesha Isaaq degaan si uu uga soo saaro xildhibaanno (deputati) meteli doona xisbigii SYL oo talada hayay waqtigaas. Cigaal kuma doodin inay jireen xuduudo uu Biritishku ka tagay oo u bannaynayay inuu maamulo doorashooyinka ka dhacay seejooyinka Hartiga Waqooyi. Ma jirin sabab uu ugu doodi karay sidaas.
Jaamac Maxamed Qaalib, oo dhowr sano ka hor geeriyooday, ayaa xogtan ku qoray buuggiisa The Cost of Dictatorship: The Somali Experience, oo soo baxay sanadkii 1994kii. Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake wuxuu ogaa in siyaasiyiintii Waqooyigu ku yimadeen koonfurta hab beelo ah oo aysan sida koonfurta lahayn xisbiyo sidii SYL iyo xisbiyadii u janjeeray Talyaaniga oo awoodda siyaasadda kaalin macne leh ku yeelan waayay markii Soomaaliya ay dal noqotay Luulyo 1960kii. I. M. Lewis, wuxuu ku qoray buuggiisa Modern History of the Somali: Nation and State in the Horn of Africa siyaasiyiinta Daaroodka dhulka Biritishku xukumi jiray ay yimaadeen Koonfurta oo tolkood ay awood siyaasadeed ku lahaayeen. Saleebaan Maxamuud Aadan oo, hadda ah Guddoomiyaga Guurtida maamulka goosasho-doonka ee Somaliland, ayaa 1965kii majaladdii Dalka ku gorfeeyey daabacaddii kowaad ee buugga Lewis. Saleebaan wuxuu dhaliilay wax uu arkay in Lewis waxba uusan ka soo qaadin halgammadii gumeysigii Biritishka lagaga horyimid aan ahayn kii uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Madaxwyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo aragti siyaasadeed oo dheer lahaa, wuxuu ahaa siyaasiga keliya oo ka hortagay inay soo baxdo dood goosasho-doon ah oo ku salaysan xudduudo Biritishkii ka tagay ka sokow in Biritishku jebiyay dhammaan heshiisyadii uu laga galay beelaha Soomaaliyeed oo qaarkood uu dib u hoos geeyey waxa Soomaalidu u taqaanno gumeysiga madow ee Xabashida.
Siyaasiyiinta koonfurta Soomaaliya xilligii dowladdii rayidka way ogaayeen in dareen goosasho-doon ah oo beelaha waqooyiga qaarkood ay wadeen. Majaladdii Dalka, uu Yuusuf Jaamac Dhuxul lahaa, waxay u bixisay kooxdaas goosasho-doonka ah “katangists”, oo waxay ugu magacdartay kooxdii gobolkii Katanga ee Kongo ka jirtay oo goosasho-doon ahayd lixdamaadkii qarnigii hore.
1957 Xaaji Muuse Boqor Cusmaan wuxuu kala hadlay Qunsulkii Maraykanka u fadhiyay Muqdisho in Itoobiya ay doonayso inay soo weerarto dhul Soomaaliyeed. Dhulkii Talyaanigu u xilsaarnaaa inuu gobannimada gaarsiiyo (The Trust Territory of Somaliland) ma ahayn dhulka halista ku jiray; wuxuu ahaa dhulkii Biritishku Ilaalin Jiray ee Soomaalida (British Somaliland Protectorate) oo dadka ku nool ay cabsi joogto ah la soo daristay kaddib markii Biritishku dhulka Haud & Reserve ku daray Itoobiya isaga oo jebiyay heshiiskii beelaha Soomaaliyeed uu kula galay inuu ilaaliyo dhulkooda. Ra’iisal Wasaare Cigaal oo London 1968kii booqanayay ayaa ku eedeeyay Biritishka inuu siray Soomaalida oo dhulkooda ku daray Itoobiya. Birtishku wuu diiday in qareen Micheal Mariano cuskado Common Law (Sharciga Guud) waayo xukummaddii Biritishka waxay ku doodday in Soomaalida lagu dhaqayay xeer Soomaali (customary law) oo aan ka shaqaynin maxkamadaha Biritishka. Maanta Biritayn ma oggola in laga hadlo heshiiskii beelaha Soomaaliyeed la galeen Imbaradooriyaddii Biritishka. Magdhaw ama raalli gelin midkood inay Biritayn bixiso ayaa qasab noqonaysa.
Shirkii Soomali Weyn (Greater Somalia Conference) ka dhacay Muqdisho 1959kii wuxuu halyay Cabdullaahi Ciise ka sheegay in dhulka Soomaalidu leedahay ku dhow yahay duleedka Addis Ababa. Hadalkaas hurdo la’aan ayuu ku riday Xayle Salaase oo markii dambe joojiyay hanjabaaddii dadbanayd uu ku hayay Waqooyiga Soomaaliya. Soomaalida oo aan lahayn dowlad aqoonsi buuxda leh ayaa waagaas danaheeda difaacanaysay. Soomaalida oo qaran ah, leh far qoran ma aha dal sidii la doono laga yeeli karo.
Maxamuud Ciise (Trunji) wuxuu ku qoray buugiisa Somalia: The Untold History 1941-1969, in Talyaanigu ka leexday xisbiyadii ka horjeeday SYL, oo uu u leexday xisbiga u taagan himilada dadka Soomaaliyeed. Mar kasta dadka qarannimada Soomaaliya ka horjeeda ama yaraysta dhib siyaasadeed ayaa soo gaarta waayo qofka dalkiisa iyo dadkiisa jecel laguma soo degdego, laakiin qofka dalkiisa neceb oo dal shisheeye inuu u daneeyo isku daya maalin uun baa lagu danaystaa kaddibna la iska tuuraa, sida haashka sigaarka. Dib uma shidmi karo xitaa haashkaas.
Aadan M. S. Xuseen waa bare taariikhda ka dhiga jaamcad ku taalla Muqdisho.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.