Guddoomiye Aadan Madoobe: Falastiin waa in ay heshaa dowlad Rasmi ah oo Caasimadeedu tahay Qudus

Shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanada Carabta oo maalintii labaad ka socda Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sanadkan shirka looga hadlay arrimaha guud ahaan wadamada carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Soomaaliya shirka ku matalaya ayaa maanta Shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, waxaana uu ugu horeyn u mahadcelyay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanadda carabta, guddoomiyaasha baarlamaanadda Carabta ee shirka ka qeyb galay, dowladda Algeria oo shirka sanadkan martigelineysa iyo guud ahaan shacabka wadankaasi soo dhoweynta qiimaha leh ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dheeraaday qadiyadda Falastiin iyo muhiimadda ay xiligan leedahay in si dhab ah oo ka go’naansho ah looga hadlo loona wajaho, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay taageersantahay in garab istaag buuxa loo muujiyo Falastiin iyo in la helo dowlad rasmi ah oo Falastiiniyiintu leeyihiin caasimadeedana tahay Qudus.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa khudbadiisa kusoo gaba gabeeyay muhiimada ay leedahay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga wadamada Carabta dhexdooda ah gaar ahaan baarlamaanada Carabta oo uu sheegay in wadajir iyo midnimo lagu gaari karo dhamaan ujeedooyinka iyo sidoo kale hadafyada horumarin dhinac walba lagu gaarsiin karo dalalka Carabta iyo shucuubtooda. Sidoo kalena waxa uu ku booriyay guddoomiyaasha kale ee shirka ka qeyb galaya in la dhaqan geliyo qodobada shirka ka soo baxa.

PUNTLAND POST