
Dabley hubaysan oo aan weli la aqoonsan ayaa xalay abbaare 2:00am ee gelinkii danbe laba nin ku dilay bannaaanka hore ee hotel Baashe ee bartamaha Garoowe.
Labada marxuum oo midkood waardiye ahaa ayaa u geeriyooday rasaas ay ku fureen dabley hubaysan oo goobta isaga baxsaday, kaddib markii ay dilka geysteen, islamarkaana baaritaan ayaa ku socda dhacdadaasi, siday sheegayaan saraakiisha Booliska gobolka Nugaal.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Nugaal ayaa noo sheegay in dilkaasi oo dhacay abbaare 2:00am ee gelinkii danbe ee xalay ay baaritaan ku wadaan, balse aysan wakhti xaadirkan bixin karin faahfaahin intaasi ka baxsan ilaa laga dhammaystiro baaritaanka.
Marka laga soo tago saraakiisha aan sida gaarka ah xiriirka ula samaynay ma jirto warbixin ku saabsan dilkaasi oo si rasmi ah uga ka soo baxday laamaha Ammaanka Puntland gaar ahaanna ciidanka Booliska oo baaritaan ku wada dhacdadaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.