
Xafiiska ku-simaha guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta soo saaray warqad rasmi ah oo dib loogu fasaxayo qaar kamid ah xildhibaanada golaha ee dhowaan laga hakiyay ka qeybgalka fadhiyada golaha.
Warqadda ayaa lagu cadeeyay in xildhibaanadaasi hadda dib uga qeybgali karaan fadhiyada golaha, kaddib markii la tixgeliyay duruufaha jira iyo dib u eegis lagu sameeyay go’aankii hore ee hakinta.
Golaha shacabka ayaa maalmahan waxaa ka taagnaa xiisad u dhaxaysa xildhibaano ka tirsan golaha iyo guddoomiye Aadan Madoobe, taas oo saameyn ku yeelatay shaqada golaha, waxayna sababtay in uu maanta oo sabti ahayd uu baaqdo kulan ay la haayeen golaha.
Kulankii u dambeeyay ee golaha shacabka oo dhacay arbacadii la soo dhaafay ayaa buuq iyo fowdo ku dhammaaday, waxaana kaddib xigtay in qaar kamid ah xildhibaannada laga joojiyay fadhiyada baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Aadan Madoobe.
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa khamiistii u baxay dalka Aljeeriya, halkaas oo uu maanta uga qaybgalay shirka guddoomiyeyaasha baarlamaannada Carabta oo ka furmay magaalada caasimada Algiers.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.