Calmiskaad: Ciidamada difaaca Puntland oo xalay fashiliyay weerar ay soo qaadeen mileeshiyaadka argagixisada ah ee ISIS

Guutada labaad ee ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan degaanka Dhasaan ayaa xalay fashiliyay weerar ay ciidamada ku soo qaadeen koox ka tirsan firxadka mileeshiyaadka ISIS.

Tiro kamid ah mileeshiyaadkii weerarka soo qaaday ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaaca hore ee ciidanka, halka dhammaan intii kale ay ciidamadu toogasho ku dileen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland oo fashiliyay weerkaasi.

“Tiro kamid ah argagixisada ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaacyadii hore ee ciidamada, waxaana ciidamadu toogasho ku dileen dhammaan intii soo hartay oo isku dayay in ay weerar toosa fuliyaan, kuwaasi oo meydadkooda la soo bandhigay markii waagu baryo” sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Dhasaan.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda uu weerarkaasi kaga dhaawacmay hal askari oo dhaawaciisu fudud yahay, kaasi oo firirro yar yar soo gaareen, balse shaqadiisi difaaca sii wata, waxaana uu ciidanka ku bogaadiyay siday mar kasta u fashiliyaan isku day kasta oo argagixisadu samayso.

PUNTLAND POST