Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka wada-hadlay Miisaaniyadda dowladda ee 2025

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada ayaa kulan  Muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta  Wasaaradda Maaliyadda.

Guddiga oo ka duulaya Waajibaadkiisa shaqo ee ku cad qodobada Dastuurka Dawladda Puntland iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada ayaa soo qaban-qaabiyey kulanka oo ujeedadiisu ahayd dabagalka Miisaaniyadda 2025.

Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka waydiiyey su’aalo la xiriira dhaqangalka Miisaaniyadda 2025, faah-faahinta dakhliga iyo kharashka muddada lagu jiray Miisaaniyadda 2025, xuquuqda shaqaalaha iyo Ciidamada ee Miisaaniyadda ku jirta iyo cabashooyin ka yimi dadweyanaha oo la xiriira cashuuro.

Gaba-gabadii kulanka waxaa Guddigu kula dardaarmeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda in ay dardargeliyaan dakhli ururinta, ayna joogteeyaan bixinta xuquuqda Shaqaalaha iyo Ciidamada.

PUNTLAND POST