Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay dalka Algeria

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale lagu soo dhaweeyayay Magaalada Algiers ee caasimadda wadanka Algeria.

Wefdiga guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Algiers kusoo dhoweeyay dhigiisa guddoomiyaha Baarlamaanka ee wadanka Algeria Ibrahim Boughali iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka wadankaas oo uu wehliyo safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya wadanka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego).

Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb geli doona shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Carabta oo maalmaha soo socda si rasmi ah u furmi doona Algeria, halkaas oo uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadli doono muhiimada uu lee yahay Shirka oo sanadkan looga hadli doono arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Sidoo kale, guddoomiya Aqalka hoose ee Baarlamaanka dalka ayaa inta uu joogo wadanka Algeria waxa uu la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkan Algeria oo sanadkan shirka marti gelinaya, asigoo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona guddoomiyaasha baarlamaanadda shirka ka qeyb galaya.

PUNTLAND POST