
Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe iyo shirkadda dhismaha TTN ayaa maanta oo Jimce ah kala saxiixday heshiis ku saabsan mashruuca Biya-saarka Garoowe.
Qoraal ka soo baxay Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayay ku shaacisay in ay Shirkadda TTN la saxiixatay Heshiiska dhismaha wejiga kowaad ee mashruuca Biya-saarka Garoowe, oo uu maalgelinayo World Bank, islamarkaana ay fulinayso Dowladda Hoose ee Garoowe.
“Dawladda Hoose ee Garoowe iyo Shirkadda TTN ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixaday heshiis dhismo la xiriira wejiga koowaad ee Mashruuca Biyasaarka magaalada, iyadoo shirkadda dhismaha ee TTN ay noqotay fuliyaha mashruucan muhiimka ah. Maalgelinta mashruucan waxaa bixinaaya Bangiga Adduunka (World Bank), waxaana fulinaysa Dawladda Hoose ee Garoowe” siday shaacisay Dowladda Hoose.
Duqa Caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuure ayaa isago ku sugan dalka Mareykanka, waxa uu dhawaan shaaciyay bilaabidda dhismaha wejiga kowaad ee mashruuca Biya-saarka Garoowe, oo ay fulinayso Dowladda Hoose ee Garoowe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.