Madaxweyne Deni oo Boosaaso casumaad khaas ah ugu samaynaya maxaabiistii Somaliland soo daysay

Maxaabiistii laga soo daayay Somaliland oo shalay soo dhaweyn loogu sameeyay caasimadda Garoowe ayaa galabta ku wajahan magaalada Qardho, halkaasi oo ay ka socoto qaban-qaabinta soo dhaweyntooda.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in loo gudbiyo dhinaca magaalada Boosaaso, halkaasi oo uu ku qaabili doono Madaxweyne Siciid Deni, islamarkaana casumaad khaas ah ugu samayn doono, siday ku wargelisay Madaxtooyada Puntland.

Raggan oo ka kooban 11 askar iyo saraakiil ah oo ka tirsan ciidamada Puntland, kuwaasi oo ku xirnaa magaalada Hargeysa, kaddib markii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood ayaa waxa dowladda Puntland ku beddelatay 15 maxbuus oo ciidamada Somaliland lagaga qabtay dagaalkii Gooja-cadde.

Dowladda Puntland oo shalay warsaxaafadeed kooban soo saartay ayaa shaacisay in ay heshiis maxaabiis is weydaarsi la gaartay dowladda Somaliland, iyadoo aysan jirin gacan kale oo u kala dab-qaadaysay labada dhinac ee is dhaafsaday 26 maxbuus oo ku kala xirnaa Garoowe iyo Hargeysa.

PUNTLAND POST