Maalgelin loo raadinayo Waxbarashada Puntland oo wajahaysa dhaqaale xumo baahsan

Shir ku saabsan dib-u-eegista Waxbarashada Puntland oo ku soo xirmay magaalada Garoowe ayaa waxa ka soo baxay baahida deg deg ah ee loo qabo kordhinta hannaanka maalgelinta Waxbarashada Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo bah-wadaagtooda oo shirkan qabtay ayaa ku heshiiyay hirgelinta sanduuqa Horumarinta Waxbarashada, si loo maalgeliyo hannaanka Waxbarashada Puntland oo dhawaanahan wajahaya dhaqaale-xumo iyo dib u dhac baahsan.

Mas’uuliyiinta wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo bah-wadaagtoodu ma sheegin halkay ka imaanayso iyo cidda bixinaysa maalgelinta Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada, si looga soo kabto dhaqaale-xumada haysata horumarinta adeegyada Waxbarashada Puntland oo dib u dhac wajahaya.

Shirka waxaa sidoo kale ka soo baxay in la horumariyo Dugsiyada Sare ee Farsamada Gacanta, waxbarashada dadka waaweyn iyo xarummaha xirfadaha, si looga jawaabo baahiyaha suuqa iyo shaqo laáanta dhallinyarada, taasi oo sababtay in dhalinyaro isaga tahriibaan Puntland.

PUNTLAND POST