
Mas’uuliyiinta Puntland iyo Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ula kala wareegay maxaabiis dagaal oo labada dhinac ku kala qabsadeen dagaalkii magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Xukuumadda Puntland ayaa saaka xabsiga weyn ee Garoowe ka sii daysay 15 maxbuus oo ka tirsanaa askartii Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii Laascaanood, waxaana laga saagootiyay garoonka diyaaradaha Garoowe, iyadoo laga dejiyay magaalada Hargeysa.
Maxaabiista la sii daayay ee Somaliland waxaa socdaalka ku weheliyay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee dhinaca Amniga, Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Siyaadda, Axmed Cabdi Hurre, kuwaasi oo u raacay Hargeysa.
La-taliyaasha Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale Hargeysa ka soo qaaday 11 maxbuus oo Somaliland ciidamada Puntland kaga qabatay dagaalkii Laascaanood, kuwaasi oo ay ku jiraan labada sarkaal ee Aarsade iyo Cabdimudalib oo ku suntan halgankii Laascaanood looga saaray Somaliland.
Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo ka warbixiyay isdhaafsiga maxaabiistaasi ayaa sheegay in ay Somaliland ku wareejiyeen 15 maxbuus, halka Somaliland soo wareejisay 11 maxbuus, waxaana uu tallaabadaasi ku tilmaamay mid loo qaaday dhinaca iskaashiga Amniga iyo is dhexgalka.
“Maanta waxaan ku wareejiney dowladda Somaliland 15 Maxbuus oo ka mid ah maxaabiista lagu soo qabtey dagaaladii ka dhacey Gobalka Sool 2023. Somaliland ayaa dhankeeda ku soo wareejisey dowladda Puntland 11 Maxbuus oo horey loogu qabtey isla dadaaladii ka dhacey Gobalka Sool” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.