Isbahaysiga “Barsan” oo Deni ku Cadaadinaya Qeybinta Kuraasta SSCK ee Baarlamaanka Puntland

Madaxweyne Deni ma filaynin in SSCK heli doonto aqoonsi xubinnimo maamul federaal oo sababtay in Cahdigii Puntland lagu asaasay 1998kii uu burburay 2025.

Boosaaso (Wararka PP) —  Xildhibaannada iyo madaxdhaqameedka ku midoobay dallada siyaasadeed, ee “Barsan”, oo ka soo jeeda gobollada Bari iyo Sanaag, uguna saameynta badan baarlamaanka Puntland, ayaa ku cadaadinaya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni inuu si rasmi uga hadlo sida  beelaha Puntland u qeybsan doonaan 17ka Xildhibaan oo hadda magaca Sool, Sanaag,  Cayn iyo Khaatumo kaga mid ah Baarlamaanka Puntland. 

Madaxdhaqmeedka udub-dhexaadka u ah dalladda Barsan waxay sanadkii 2023kii  taageereen go’aankii madaxdhaqmeedka SSCK ku diideen inay soo xulaan xildhibaanno magaca SSCK kaga mid noqday barlamaanka la dhisay dhammaadkii 2023kii si dib loogu boqdo doorasho ku salaysan 66 xildhibaan oo meesha ka saartay qorshihii uu Madaxweyne Deni ku doonayay inuu doorasho qof iyo cod aan la isku raacsanayn kaga qabto Puntland. Madaxweyne Deni wuxuu u hoggaansamay baaqii ay madaxdhaqameedka SSCK soo jeediyeen si Puntland looga badbaadiyo colaad siyaasadeed oo ka dhalan kartay ku kala aragti duwananaanta wax ka beddelistii dastuurka Puntland iyo sida doorashooyinkii golayaasha deegaanka uga dheceen Puntland 2023kii marka laga reebo Garoowe iyo degmooyin kale oo ka mid ah gobolka Nugaal.

Beelo badan oo Puntland ka mid, oo aan hadda haysanin metelaad siyaasadeed, ayaa markii kowaad yeelan doona xildhibaanno iyo wasiirro marka 17 xildhibaan ee SSCK inay metelaan sheegta laga saaro Baarlamaanka Puntland.

“Maadaama ay SSCK heshay aqoonsi  xubinnimo maamul federaal ma jiri karto sabab ay 17 xildhibaan ay magaca SSCK kaga sii mid ahaadaan Barlamaanka Puntland. Sidoo kale ma jirto sabab ay xil u sii hayn karaan Wasiirro ka soo jeeda SSCK oo hadda ka mid ah golaha wasiirrada ee Puntland” ayuu yiri xildhibaan codsaday in magaciisa aan la sheegin oo ku metela Bari Barlamaanka Puntland. Dalladda Barsan waxay u guuxday dooddii uu Madaxweyne Deni soo bandhigay oo ahayd inuu soo afjarayo habka seddex beelood oo keliya qabtaan xilka Madaxweynaha maamulka Puntland.

Beelo badan oo Puntland ka mid ah, oo aan hadda haysanin metelaad siyaasadeed, ayaa markii kowaad yeelan doona xildhibaanno iyo wasiirro marka 17 xildhibaan ka soo jeeda maamulka SSCK si rasmi ah xubinnimadooda looga saaro Baarlamaanka Puntand.

© Puntland Post, 2025