
Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed kooban soo saartay ayaa shaacisay in ay heshiis maxaabiis is weydaarsi la gaartay dowladda Somaliland, iyadoo aysan jirin gacan kale oo u kala dab-qaadaysay labada dhinac.
Warsaxaafadeedkan kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayay ku sheegtay in labada dowladood isla garteen in maanta oo Taariikhdu tahay 30.04. 2025 ay is weydaarsadaan maxaabiis tiradoodu dhan tahay 26 maxbuus oo ku kala xirnaa magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.
“Dawladda Puntland waxay heshiis isweydaarsi maxaabiis la gaartay Dawladda Somaliland iyada oo aysan jirin gacan kale oo u kala dabqaadeysa. Labada dhinac waxay isla garteen in maanta oo ay taariikhdu tahay 30.04.2025 is-weydaarsadaan maxaabiis tiradoodu tahay 26 maxbuus oo ka soo kala jeeda labada Dawladood kuna kala xiran xabsiyada Hargeysa iyo Garowe” ayuu u qornaa Warsaxafadeedka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.