Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo riixaya mooshin ku saabsan kala baxa Puntland iyo SSC-khaatumo

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo laga soo doorto Gobolka Bari ayaa riixaya in ay fadhiga soo socda ee bisha June soo gudbiyaan mooshin ku saabsan kala baxa Puntland iyo khaatumo.

Xildhibaanno kooban oo riixaya mooshinka ku saabsan in degaannada SSC-khaatumo laga saaro dastuurka Puntland ayaa isku dayaya in ay xubno kale ku qanciyaan hindisahooda, si ay u helaan codad ku filan, oo ay mooshinka ugu gudbiyaan Fadhiga Baarlamaanka ee furmaya 15 June 2025.

Xildhibaan kamid ah kuwa riixaya qorshahan ayaa noo sheegay in ay doonayaan in Puntland iyo SSC-khaatumo si rasmi ah loo kala guro, oo Dastuurka Puntland laga saaro dhulka SSC, islamarkaana dib u-habayn lagu sameeyo hannaankii saami qeybsiga ee wax lagu dhisay sannadkii 1998.

Dhinaca kale, weli ma cadda mowqifka xukuumadda madaxweyne Deni ka taagan tahay arrinta kala baxa Puntland iyo SSC-khaatumo, balse waxa la sugaya siday uga falceliso qorshahan xildhibaannadu riixayaan markii uu soo wada baxo Kal-fadhiga bisha June.

PUNTLAND POST