
Xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa ka aloosan degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, taasi oo salka ku haysa muran ka taagan soo dejinta Jaadka Miirowga ee laga keeno dalka Kenya.
Ganacsatada jaadka degmada Badhan oo canshuur-bixiyaal ah ayaa ka gadoodsan shakhsiyaad xiriir la leh madaxtooyada Puntland oo ganacsigoodii ku haysta, gaar ahaanna soo dejinta Jaadka, siday xaqiijiyeen guddiga ganacsatada Jaadka ee degmadaasi.
Shakhsiyaadka xiriirka la leh madaxtooyada Puntland oo adeegsaday shaatiga dowladda ayaa isku dayaya in ay awood ku muquuniyaan ganacsatada jaadka Badhan ee canshuur-bixiyaasha ah, si ay uga boobaan ganacsigooda, islamarkaana qalin dowladeed ugu saxiixdaan soo dejinta Qaadka miirowga ah.
Khilaafka ganacsatada jaadka iyo madaxtooyada Puntland ayaa marar kala duwan soo noq noqday, kaddib markii shakhsiyaad awood ka haysta madaxtooyada ay shaatiga dowladda u adeegsadeen dhibaataynta ganacsatada maxalliga ah ee jaadka keenta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.