
Taliyihii guud ee Ciidanka Daraawiishta SSC-khaatumo, S/Guuto Saleebaan Barre Geesood ayaa maanta shaaciyay in uu si rasmi ah isaga casilay Xilkii Taliyaha Ciidanka Daraawiishta SSC-khaatumo, sida ku cad Warqad uu ku faafiyay Warbaahinta.
“Mudane Madaxwayne anigoo kaaga mahadcelinaya xilkii aad ii igmatay iyo mudadii aan soowada shaqaynay Laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 28 bisha April 2025 Waxaan iska casilay Xilkii aan hayay ee ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawiishta SSC-KHaatumo” ayuu ku yiri warqadda is casilaadda oo uu u gudbiyay Madaxweynaha SSC-khaatumo.
S/Guuto Saleebaan Barre Geesood ayaa sidoo kale sheegay in aanu doonayn sababaha is casilaaddiisa in uu ku qoro warqadda uu u gudbiyay Madaxweynaha SAC-khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye balse wuxu keliya wuxu caddeeyay in aanu sii wadi karin Shaqadii uu hayay.
“Mana doonayo sababaha iscasilaadayda in aan ku qoro warqadan Waxaanse kaliya halakan ku cadaynaya in aanan siiwadi Karin xilkaa iyo shaqada aan u hayay ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo.
Waxaan u mahad celinayaa Xubnaha taliska guud ee sida fiican illa sooshaqeeyay iyo ciidamada Daraawiishta ee geesiyaasha ah, sidookale waxa aan u mahad celinayaa shacabka SSC-KHaatumo Khaas ahaan teamamkii aanu shaqada ciidamada ka soowada shaqaynay” ayuu sii raaciyay S/Guuto Saleebaan Barre.
Halkaan ka akhriso Warqadda Iscasilaadda

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.