
Garoowe (Faallo PP) — Khudbaddii shalay uu jeediyay Madaxweyne Siciid Deni gaar ahaan qeybtii uu kaga hadlay maamulka SSCK waxaa ka muuqatay inuusan isku dayin inuu dib u eego samaysankii maamulka Puntland sanadkii 1998kii. Puntland waxaa asaasay oday madaxdhaqameedka Hartiga. Hab maamul beeleed ayaa loo asaasay. Awoodda siyaasadeed ee hoggaamiyayaashii Puntland yeesheen waxay ka soo jeedday sharciyadda ay bixiyeen odayaashii saxiixay Cahdigii Puntland lagu asaasay. Waqtigaas ma jirin xilka hadda hirgalay Boqorka Daarood. Boqor Burhaan wuxuu taageeray aqoonsiga maamulka SSCK uu helay.
Maadaama Puntland ay aqoonsatay maamulka SSCK oo dhismay 6dii Febraayo 2023kii, waxaa Madaxweyne Deni laga filayay inuusan ka hor imanin aqoonsiga maamulka SSCK uu ka helay heer federaal. Sida la og yahay maanta SSCK metelaad sharci ah kuma laha Puntland. Xildhibaannada magaca SSCK ku fadhiya Baarlamaanka Puntland waxaa soo xushay Madaxweyne Deni, laakiin maamulka iyo odayaasha SSCK kama hor imanin magacaabistooda waayo iyagu ma soo magacaabin, umana arkaan inay metelaan dadka SSCK. Inay magaca SSCK kaga sii mid ahaadaan Barlaamaanka Puntland waxay caqabad weyn ku tahay maamul wanaagga iyo dadka Puntland yeeshaan madax siyaasadeed ay la xisaabtami karaan iyo in ay si xaqsoor leh awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed u qeybsadaan.

In Puntland, oo ka kooban lix gobol, la awood noqoto Hishabeelle, oo labo gobol ka kooban, waxaa sababay fahamdarrada siyaasadeed ee hoggaamiyayaasha Puntland. Puntland waa maamul jira laakiin bannaanka ka taagan habka maamul federaaleedyadu ula shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya. Taas macnaheedu waa: xuquuq badan oo dadka Puntland ku leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la la’ yahay maadaama maamulka Puntland diiddan yahay in hantidhowrkiisu u hoggaansamo ammarada Guddiga Maamulka Maaliyadda oo ka kooban dowladda federaalka Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha. Ma jiro hab loola xisaabtamo hoggaamiyaha Puntland marka uu qaato go’aammo saameyn xun ku yeesha danaha dadka Puntland. Muddo xileedkiisii Cabdiweli Gaas wuxuu diiday in dhulka Puntland xeebihiisa shidaalka laga baaro, halka Jubaland ay oggolaatay. Waa markii seddexaad ay Puntland iyo Jubaland ku leexdeen siyaasadda. Labadii mar hore waxay kala ahaayeen: 2016lkii markii Puntland diidday in habka 4.5 doorashadii 2017 lagu galo (inkastoo ay markii dambe oggolaatay); markii xigay wuxuu ahaa 2022kii markii Jubaland ay sii wadday xiriirkii ay dowladda federaalka la lahayd markii Puntland ka soo baxday Golaha Wadatashiga Qaranka.

Maanta waxa miiska saaran ma aha maamulka SSCK, waa in habka federaalka sidii 2004 loogu heshiiyay uu u sii jiri karo waayo beelihii Puntland wada dhistay 1998kii ayaa siyaasadda ku kala dhaqaaqay. Deni shalay khudbaddiisii wuxuu si dadban ugu taageeray kala go’a Soomaaliya. Mid ka mid ah qodobbada uu cuskaday markuu ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka 2023kii waa in Somaliland ay Golaha si dhab ah uga mid noqoto. Dib u dhacyo is biirsaday ayaa sababay in Cahdigii Puntland lagu asaasay uu burburay 2025. SSCK iyo Puntland oo muran siyaasadeed dhexmaro waxay noqon doontaa caddeynta in habka federaalku fashilmay. Deni waa inuusan illoobin in madaxdhaqameedka Puntland ay si wada jir ah u soo saari karaan digniin in maamulkiisu halis ku yahay nabad ku wada noolaanshaha dadkii 1998kii Puntland wada dhistay.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.