Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo isku beddelay xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo Galabta Wareegto magacaabis ah soo saaray ayaa isku shaandhayn kooban ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse oo uu Warbaahinta u akhriyay Af-hayeenka Xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa waxa ka soo muuqday saddex xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada, kuwaasi oo la isku beddelay.

Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo mudda kooban xilkaasi hayay ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida uu Warbaahinta u akhriyay Af-hayeen Farxaan Jimcaale.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii labaad ee XFS,Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa isna loo beddelay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Halka Axmed Macallin Fiqi oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

PUNTLAND POST