
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo maanta Shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa soo saaray go’aanno adag oo ku saabsan xakamaynta Tahriibta oo dhawaanahan xargaga goosatay.
Shirkan waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta labada wasaaradood ee Amniga iyo duulista Hawada Puntland oo ay weheliyaan saraakiisha Booliska, Laanta Socdaalka (Immigration) iyo mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaana ka soo baxay go’aanno ku saabsan xakamaynta Tahriibta.
Shirka ayaa lagu go’aamiyay in si buuxda looga hortago dhammaan falalka Tahriibinta iyo Socdaalka sharci-darrada ah ee sii kordhaya, gaar ahaanna dhalinyarada sida sharci-darrada ah looga dhoofiyo garoomada Puntland, kuwaasi oo adeegsada dukumentiyo been abuur ah oo suuqa laga sameeyay.
“Qof kasta oo lagu qabto garoomada Puntland isagoo ku lug leh tahriib ama adeegsanaya dukumentiyo been abuur ah, waaa in ay si wadajir ah tallaabo adag uga qaadaanLaanta Socdaalka (Immigration) iyo Booliska, islamarkaana sharciga la marsiiyo” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Shirkaasi.
“In si adag oo dhakhso leh sharciga loo mariyo tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibta shaqeeya, islamarkaana shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa tigidhada ay ka wda wada shaqeeyan hubinta saxda ah ee dokumentiyada rakaabka u safraya dibadda, si aysan ugu dhuuman Tahriibayaasha” ayuu sii raaciyay go’aanka dowladda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.