
Madaxweynaha Puntland, oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidamo oo ka qabsoontay Boosaaso ayaa sheegay in dadka reer Somaliland xaq u lee yihiin doodda ku saabsan in ay danahooda ka tashadaan.
Madaxweyne Siciid Deni oo ka hadlayay arrimaha ku aaddan doodda Somaliland ee ku dhisan goonni-goosadka ayaa sheegay in ay xaq u lee yihiin in ay dood keenaan iyo in ay danahooda ka tashadaan, balse ma uu caddayn mowqifka uu ka taagan yahay midnimada Soomaaliya.
“Somaliland waa dad iyo degaan aan deris nahay, doodooda anigu halkan waxba ku tiigsan mayo, laakiin xaq bay u lee yihiin in ay dood keenaan danahooda in ay ka tashadaanna xaq bay u lee yihiin” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay arrinta ku saabsan doodda Somaliland ee ku dhisan goonni-goosadka.
“Somaliland waxaan rabnaa in aan derisnimo kula noolaano, waxaan rabnaa walaalnimo in aan kula noolaano, waxaan rabnaa isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga labada dhinac in uu socdo, waxaan u baahanahay in aad si midaysan dadka Soomaaliyeed danihiisa uga tashanno” ayuu sii raaciyay Siciid Deni.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.