Madaxweyne Deni oo maanta tababar u soo xiraya cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamada Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta tababar u soo xiraya cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamada PMPF.

Madaxweyne Siciid Deni, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa saaka Taliska ciidamada PMPF ee magaalada Boosaaso tababar ugu soo xiraya tababar cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan kumaandawska PMPF.

Cutubyadan sida gaarka ah u carbisan ee saaka tababarka loo soo xirayo ayaa sida qorshaysan qeyb ka noqon doona dhammaystirka dagaalka ciribtirka mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish, kuwaasi oo weli firxadkoodu meelo kooban kaga harsan yihiin buuraha Calmiskaad.

PUNTLAND POST