Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday in guluf ciidan oo ka dhan ah argagixisada Al-shabaab

Dowladda Puntland oo ku jirta dhammaystirka hawlgalka ciribtirka mileeshiyaadka Daacish ee Hillaac ayaa saaka oo Sabti ah ku dhawaaqday in ay bilaabi doonto hawlgal kale oo magaciisu yahay Onkod.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo saaka khudbad ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xirayay cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamada PMPF ayaa shaaciyay in ay bilaabi doonaan hawlgal la baxay Onkod ka dhan ah argagixisada Al-shabaab ee ku jira buuraha Calmadow.

Madaxweyne Deni oo sheegay in uu dhammaystirmarayo hawlgalka Hillaac ee Calmiskaad ayaa tilmaamay in uu ku xigi doono hawlgalka Onkod oo lagu burburinayo mileeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab”Hawlgalka hillaac ee Calmiskaad, Waxaa ku xiga Hawlgalka Onkod ee Calmadow” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Wuxu sidoo kale sheegay in kaddib markii kooxaha argagixisada ah laga saaro buuraha Golis in ciidamada dowladda Puntland u gudbi doonaan koonfurta Soomaaliya si guud ahaan argagixisada looga nadiifiyo dalka oo dhan “Madaxweyne Deni “Puntland markii ay Hawlgalada Amnigeeda dhameystirto, gacanta ka laaban mayso tan Somalia-na in ay wax ka qabato.”

PUNTLAND POST