
Nin u dhashay dalka Morocco oo lagu magacaabo Khalid Abu Ciza ayaa la soo xiriiray Ciidanka Booliska Puntland, isagoo raadinaya wiilkiisa oo la waayey kadib safar uu ugu baxay dalka Itoobiya.
Sida uu sheegay Aabbaha, wiilkiisu wuxuu si lama filaan ah uga baxay dalka Morocco isagoo aan waalidkiis ogeysiis siin, wuxuuna ugu dambeyntii la hadlay isagoo ku sugan dalka Itoobiya 13-kii Sebtember 2024, waxaa sidaasi shaaciyay Taliska ciidanka Booliska Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray.
“Muuqaal uu wiilku u soo diray waalidkiis xilligaas ayaa muujinaya in uu ku sugnaa meel u muuqata hotel, hase yeeshee xaaladda ka dambeysa safarkiisa iyo wixii dhacay tan iyo intii uu ka tagay Itoobiya weli lama caddeyn” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Booliska Puntland oo xiganaya muuqaal uu soo duubay Khalid Abu Ciza.
Aabbaha wiilka, Khalid Abu Ciza, ayaa u sheegay Booliska in wiilkiisu uu u sheegay in uu ka baxay Morocco 28-dii Luulyo 2024 isagoo aan waalidkiis oggolaansho ka heysan, isla markaana uu ku biiray kooxda argagixisada ee Daacish oo ka dagaalamaysa Buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Waxaa sidoo kale laga qaaday dhammaan dukumiintiyadii uu watay.
“Ciidanka Booliska Puntland waxay baaritaan rasmi ah ku wadaan arrintan, waxayna bulshada ka codsanayaan in ay gacan ka geystaan helitaanka xog kasta oo horseedi karta in la helo halka uu wiilkaasi ku sugan yahay” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka Booliska Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.