Jubaland oo ka hortimid kaarka Aqoonsiga dowladda Federaalka Soomaliya

Wasaaradda arrimaha Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si rasmi ah u caddaysay in aysan aqoonsanayn kaarka Aqoonsiga dowladda Federaalka Soomaaliya oo siday sheegtay aan haysan sharciyad heshiis lagu yahay.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland waxay cadeenaysaa in aysan aqoonsaneeyn waxa loogu yeeray kaarka Aqoonsinga Qaranka oo aan haysan sharciyad heshiis lagu yahay, waxaanan u aqoonsanahay in uu yahay wax loogu talagalay in lagu meelmarsado dano siyaasadeed.”

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland waxay Bulshada ree Jubbaland ku wargalinaysaa in aysan ka qayb qaadan wax kasta oo jabinaya sharciga iyo qaanuunka u dagsan Dowladda Jubbaland, Waxaana Bulshada looga baahanyahay inay raacaan nidaamka iyo shuruucda u dagsan Dowladda Jubbaland ayna ka feegjignaadaan wax kastoo dhibaato u keeni kara” ayay Jubaland ku sheegtay Warsaxaafadeedkaasi.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Jubbaland waxay bulshada reer Jubbaland ku wargalisay in aysan ka qayb qaadan wax kasta oo jabinaya sharciga iyo qaanuunka u dagsan dowladda Jubbaland, Waxaana ay sheegtay in bulshada looga baahanyahay in ay raacaan nidaamka iyo shuruucda u dagsan Jubbaland ayna ka feegjignaadaan wax kastoo dhibaato u keeni kara. 

PUNTLAND POST