
Guddoomiyaha degmada Laasqoroy ee gobolka Sanaag u qaabilsan Puntland cabdikariin Yuusuf Dibbad ayaa sheegay in mileeshiyaad ka tirsan Somaliland ay laba doomood oo kalluumeysi ka afduubteen xeebta Laasqoroy, kaddib markii ay dhinaca badda ka soo weerareen degaankaasi.
Guddoomiye Cabdikariin Dibbad oo wareysu bixiyay ayaa sheegay in mileeshiyaad ku abtirsada Somaliland oo aroornimadii hore ee saaka dhinaca biyaha Caalamiga ah ka soo weeraray xeebtay degmada Laasqoroy ee gobolka Sanaag, ay halkaasi ka afduubteen laba doomood oo kalluumeysi, kuwaasi oo ay lee yihiin ganacsatada degaanka.
“Subaxnimadii hore ee saaka abbaare 6:20am ayaa waxa degmada Laasqoroy dhinaca biyaha Caalamiga ah ee badda ka soo weeraray mileeshiyaad ku abtirsada Somaliland, waxaana mileeshiyaadkaasi si gaadmo ah u soo galeen biyaha degmada Laasqoroy, waxaana ay halkaasi ku afduubteen laba doomood oo ay lee yihiin ganacsatada degmada Laasqoroy” ayuu yiri Cabdikariin Yuusuf Dibbad.
Guddoomiye Dibbad ayaa sidoo kale intaasi raaciyay in labada doomood ku tilmaamay kuwa sharciyaysan oo ka diiwaangashan Puntland, islamarkaana ay lee yihiin ganacsato u dhashay Puntland, waxaana uu beeniyay wararka ku saabsan in ay hub sharci-darro ah sideen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.