
Mileeshiyaadka Al-shabaab oo saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa qabsaday saldhig weyn iyo garoon diyaaradeed, oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lee yihiin degaankaasi.
Degaanka Wargaadhi, oo ay saaka qabsadeen argagixisada Al-shabaab ayaa waxa ku yaalla Taliskii ugu weynaa ee laga hoggaamin jiray dhammaan ciidamada dowladda ee ku sugan Labada Shabeelle, Hiiraan iyo Galgaduud, kaasi oo leh garoon diyaaradeed oo ay gacanta ku hayeen ciidamo uu tababaro Mareykanka.
Weerar xooggan oo ay aroornimadii hore ee saaka ku qaadeen argagixisada ayay ugu danbayn ku qabsadeen, kaddib dagaal culus oo saacado kooban socday, waxaana halkaasi isaga baxay ciidamadii dowladda oo sida wararku sheegayaan dhinaca Muqdisho aaday, balse faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha labada dhinac.
Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin weerarka saaka lagu qabsaday Taliskii ugu weynaa ee Wargaadhi ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaasi oo laga hoggaamin jiray dhammaan ciidamada dowladda ee ku sugan labada Shabeelle, Hiiraan iyo Galgaduud.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.