Puntland oo baaris kaddib xaqiijisay ciddii saarnayd doon lagu qabtay xeebaha gobolka Bari

Dowladda Puntland oo baaritaan rasmi ah ku samaysay doonni siday dad laga shakiyay oo habeen ka hor lagu qabtay biyaha degaanka Bacaad ee gobolka Bari ayaa xaqiijisay in doonnida ay siday tahriibayaal ka baxay magaalada Boosaaso.

Laamaha ammaanka gobolka Bari oo soo gudbiyay natiijada baaritaankii lagu sameeyay doonnida ayaa xaqiijiyay in ay sidday tahriibayaal ka baxay Boosaaso, kuwaasi oo u badan dumar iyo carruur, islamarkaana waxay meesha ka saareen warka ku saabsan tuhunkii laga muujiyay in doonnidu ay siday qoysaskii kooxda Daacish.

Sarkaal ka tirsan waaxda baarista gobolka Bari oo faahfaahin naga siiyay natiijadii ka soo baxday baaristan doontaasi ayaa sheegay in ay sidday tahriibayaal ka kooban Soomaaliya iyo ajaanib, kuwaasi oo ay ka qaaday xeebaha Boosaaso, balse wuxu sheegay in doonnida uu shidaalka kaga go’ay nawaaxiga biyaha degaanka Bacaad ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ka soo qabteen ciidamada Puntland.

PUNTLAND POST