Madaxweyne hore Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Argagixisada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka digay in laga feejignaado dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay in shacabku garab istaago ciidamada si ay uga guulaystaan Argagixisada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa inay ka feejignaadaan dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamadeenna geesiyaasha ah, kagana been sheegayaan waaqaca dhabta ah ee ka jira Soomaaliya. In ciidanka qaranku ay magaalooyin tab iyo xeel dagaal uga soo baxaan macneheedu maaha in laga adkaaday, sidaas darteed waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ciidanka qaranka la garab istaagaan hiil iyo hoo intaba, taas oo keeni karta in ciidanku ka guulaystaan cadowga.”

“Waxaa hubaal ah in ayada oo ciidanka la dhisayo haddana laga guulaysan karo kooxaha nabad-diidka ah, sidii hore u dhacday sannadihii 2018 ilaa 2020-kii oo ayada oo ciidanka dhismihiisa lagu dhex jiro, haddana ay noo suurta gashay inaan argagixisada ka xorayno magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Marka, Jannaalle, Ow-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo oo Warsaxaafadeedkan soo saaray.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxd heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed in ay mudnaanta koowaad siiyaan danta guud, xaqiijinta xasillooni siyaasadeed, adkaynta midnimada, wadajirka iyo madallaynta dastuur iyo doorasho wada-oggol ah, taas oo lagu gaari karo dhammaystirka dowlad-dhiska dalka, waxaana uu u mahadceliyay Saaxiibbada caalamka ee sida hagar la’aanta ah uga qayb qaadanaya soo kabashada dalka, dhismaha Ciidamada Qaranka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

PUNTLAND POST